shir-ka madaxeed
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shir-ka madaxeed
conférence au sommet.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhir-abaareed
m.dh (-ryo ..., m.dh) (botani) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shir saxaafadeed
-ka: (n) news conference; press conference ~ shir jaraa'id
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhir abaareed
Xerophyte
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidmadaxeed
-da: (magac, dhedig, keli) saliidda la marsado timaha madaxa. Ku dhaasho saliid madaxeed.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sawir-maskaxeed
-ka: (n) imagination (i-maaji-neey-shin); imaginary (i-maaji-nari); fancy (faansi)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigbax-maskaxeed
m.l (daawo) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigbax-maskaxeed
m.l (daaw.) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.